dinsdag 20 augustus 2013

U daliig ilmahaaga si uu dhaqso kuugu koro maskax ahaan iyo jir ahaanba.

U daliig ilmahaaga si uu dhaqso kuugu koro maskax ahaan iyo jir ahaanba.
Faa'iidooyinka jirka ilmaha yar u u leeyahay ku daliigida saliida.
Hooyooyin badan ma yaqaanaan muhiimada ay ilmaha yar u leedahay in loo daliigo ama saliid lagu duugo jirkiisa,kasokow faa'iidooyinka faraha badan ee ka soo gali karta caruurta hanaankan,
Daliigida jirka caruurta waxey qeyb weyn oo fiican ka qaadaneyso koriinshaha ilmaha.islamarkaana. Cilmibaarayaasha waxey aaminsan yihiin in dareenka xiriirka ah ee ka dhexeeya canuga iyo hooyadiis.
Dhaqaatiirtu waxey yiraahdaa in caruurta loo sameeyo daliigida ay ka caawiso inuu hagaago habka neefsashada cunuga,maadaama maqaarku yahay xubinta ugu balaaran ee jirka bini aadamka ee kala baxda,taasoo ay ka buuxaan unugyo dareenwade ah,waxaaney taasi hagaajineysaa habka neefta cunuga, waxaaney ka saartaa deganaansha la'aanta ay ilmaha la kulmaan bisha ugu horeysa.
Jirka oo carruurta loo daliigo waxey ka cayaartaa doorweyn koriinshaha muuqaal ahaan ee ilmaha,sababtoo ah waxey ka kaalmeyneysaa shaqsi walbo xubnuhu iney si xoogan u koraan,daraasad ayaa muujineysa in carruurta jirkooda loo daliigo shan iyo toban daqiiqo shan maalin todobaadkii uu koriinshahoodu uu ka sareeyo 53% kuwa kale aan helin.
Daraasadu waxey kale xiriirka muuqaal ahaan ka dhexeeya hooyada in ilmaha yar ka caawiso iney unugyada maskaxda si dhaqso ah ugu korto shanta sano ee ugu horeysa noloshiisa.
Daraasada ayaa sidoo kale qeexday in daliigidu ay faa'iidooyinka muhiim ah u lleedahay iney adkeyso habdhiska neerfaha, carruurta ku raaxeysa daliigida dhabarka waxaa aad ugu yar qabowga iyo fuuqbaxa,waxey sidoo kale kordhisaa dheecaanada hormonada ee kor uqaada shaqada unugyada dheefshiidka.
Hooyadu waxey sidoo kale garwaaqsan tahay muhiimada xiriirka taagashada ee cunugeeda iyo siduu u dareemo diirimaadkeeda taasoo ka abuurma jaceyl iyo naxariis,waxaana u sii dheer in ilmaha yar ee loo daliigo jirkiisu uu dareemayo nasasho iyadoo ay ka caawineyso oohinta badan inuu yareeyo.
W/Q Fardowsa Maxamed Cabdulle
fardowsocabdule@gmail.com