vrijdag 6 december 2013

Weli iguma filna jaceylkaaga

 Ii ogolow inaan ahaado qofka qalbigaaga si qoto dheer u dhex dega,kan fursada u hela inuu garabkaaga taagnaado waqtiyada farxada iyo murugada labada. Ma aqaano inta aan wadajiri doono,laakin aan ahaano hal qof.
Waan ku jecelahay in ka badan hal erey inaan ku cabiro dareenka aan kuu qabo. Waxa keliya aan kula doonaayo waa kalgaceyl aan dhamaad laheyn
Ereyadu kuma filna inaan kuu sheego macnaha aad iigu fadhido iyo sida aan ugu baahanahay inaad garabkeyga joogto gebi ahaan nolosheyda.
Waxaan kaa qaadi doonaan murugta si aan farxad kuugu bedelo,marnaba ha iga tegin,waayo noloshu la'aantaa waa mid aan dhadhan laheyn, waxaad ii tahay qaaligii nafteyda waana inaad garwaaqsataa hamiga aan kuu qabo jaceylkeygiyoow.

Ma taqaanaa sababta aan weli kuu xusuusanahay? Waxey cadeyn u tahay sidaan kuu daneynaayo. Ma ogi in nafluhu dhan sidaan wax u tabo,laakin qalbiga adiguu kuu garaacmaa gacaliye.
Waan xeraa indhaheyga si lacala indhaheyga ay dib u soo celiyaan wejigaaga,sawirkaaga uusan marnaba maskaxdeyda u faaruqin,Ma ogtahay nafteydoow albaabkasto oo dunida ah hadii la xero in albaabada qalbigeyga weligiis kuu furnaan doono, waayo waan ku jeclahay.
Ii ogolow inaan gacmahaaga ku noolaado,hadaad maalin keliya iga maqnaato ama aan waayo codkaaga waxaa iga luma deganaanta,maskaxduna dhankaaga ayey u janjeertaa.
Weli iguma filna jaceylkaaga,xilli kasta oo aan sii dhedhemiyana waan ku sii milmaa,kumaan mar hadii aan ku iraahdo waan ku jeclahay waxey ila tahay inaaney ku filneyn.
Ma jirto Qofna ma awoodo iney iga kaa fogeyso ama xado jaceylkeena, U ogolow jaceylkeena inuu sii noolaado kumanaan sano,islamarkaana dunida inteeda kale aan iska weheshano.
Waxaan si wadajir ah u dhisanay riyo aad u macaan,aan ka dhabeyno riyooyinkaas kuwa rumooba.

Taariikhda caashaqeena waxey salka ku heysaa jiritaanka nolosheena,waxay ku bilaabatay kaftan ilaa mowjadaha jaceylka ay meelo fog nagaarsiiyen,
Qalbigeyga gudahiisa waxaa ka buuxa xusuuso aan hilmaami karin oo an waqtigii aan soo martay,Ma ogtahay nafteydoow in maalinta ugu dambeyso ee qisadeydaan inaan ku jeclaan,kuuna jeclaan doono dareen la mid ah kii ugu horeeyey ee aan kuu qaaday.
Markii ugu horeysay ee wadnaheygu bilaabay inuu dikaamo adiga ayuu kuu garaacmay,adiga ayaa nasiib u yeeshay in qalbiga iyo maskaxda inaad mashquuliso,indhaha u diido sawirkaaga mooye mid kale iney arkaan,Naftaan adigaa hogaanka u haayo har iyo maalin, waana ii ciid saacadaha aan wada qaadano.
Ma dhab baan inaad garabkeyga taagan tahay? Inaada aadanaha kale oo dhan iiga sokeyso,nasiibku mar buu kuu hiiliyaayey daqiiqadaha ay nolosha ii bilaabato waa markaan helo fariimaha qalbigaaga,mana jecli inuu waqtigu dhamaado si riyadaas aanan uga kicin.
Waan kaa fekeraa nolosheydow habeen iyo maalin, waxaan rabaa inaan kugu dhex qufulo qolka yar ee qalbigeyga aad ka dhex sameysan,mana doonayo inaan kuu ogolaado inaan banaanka kuu soo saaro,waxaad halkaas ku soo dhex arki doonaa baaxada dagaalka qalbigeyga ka dhaco la eg yahay xilliyada aan kala fognahay iyo sidey xiiso u leedahay wadnayal caashaq wadaagay markey midoobaan.
Markii aan ku arkaba qalbigeyga farxad darteed ayuu la duulduulaa,Waxaad tahay hawadii aan ku neefasanaayey iyo iftiinkii arageyga.

dinsdag 20 augustus 2013

U daliig ilmahaaga si uu dhaqso kuugu koro maskax ahaan iyo jir ahaanba.

U daliig ilmahaaga si uu dhaqso kuugu koro maskax ahaan iyo jir ahaanba.
Faa'iidooyinka jirka ilmaha yar u u leeyahay ku daliigida saliida.
Hooyooyin badan ma yaqaanaan muhiimada ay ilmaha yar u leedahay in loo daliigo ama saliid lagu duugo jirkiisa,kasokow faa'iidooyinka faraha badan ee ka soo gali karta caruurta hanaankan,
Daliigida jirka caruurta waxey qeyb weyn oo fiican ka qaadaneyso koriinshaha ilmaha.islamarkaana. Cilmibaarayaasha waxey aaminsan yihiin in dareenka xiriirka ah ee ka dhexeeya canuga iyo hooyadiis.
Dhaqaatiirtu waxey yiraahdaa in caruurta loo sameeyo daliigida ay ka caawiso inuu hagaago habka neefsashada cunuga,maadaama maqaarku yahay xubinta ugu balaaran ee jirka bini aadamka ee kala baxda,taasoo ay ka buuxaan unugyo dareenwade ah,waxaaney taasi hagaajineysaa habka neefta cunuga, waxaaney ka saartaa deganaansha la'aanta ay ilmaha la kulmaan bisha ugu horeysa.
Jirka oo carruurta loo daliigo waxey ka cayaartaa doorweyn koriinshaha muuqaal ahaan ee ilmaha,sababtoo ah waxey ka kaalmeyneysaa shaqsi walbo xubnuhu iney si xoogan u koraan,daraasad ayaa muujineysa in carruurta jirkooda loo daliigo shan iyo toban daqiiqo shan maalin todobaadkii uu koriinshahoodu uu ka sareeyo 53% kuwa kale aan helin.
Daraasadu waxey kale xiriirka muuqaal ahaan ka dhexeeya hooyada in ilmaha yar ka caawiso iney unugyada maskaxda si dhaqso ah ugu korto shanta sano ee ugu horeysa noloshiisa.
Daraasada ayaa sidoo kale qeexday in daliigidu ay faa'iidooyinka muhiim ah u lleedahay iney adkeyso habdhiska neerfaha, carruurta ku raaxeysa daliigida dhabarka waxaa aad ugu yar qabowga iyo fuuqbaxa,waxey sidoo kale kordhisaa dheecaanada hormonada ee kor uqaada shaqada unugyada dheefshiidka.
Hooyadu waxey sidoo kale garwaaqsan tahay muhiimada xiriirka taagashada ee cunugeeda iyo siduu u dareemo diirimaadkeeda taasoo ka abuurma jaceyl iyo naxariis,waxaana u sii dheer in ilmaha yar ee loo daliigo jirkiisu uu dareemayo nasasho iyadoo ay ka caawineyso oohinta badan inuu yareeyo.
W/Q Fardowsa Maxamed Cabdulle
fardowsocabdule@gmail.com